Somali Test
We are not currently recruiting Somali language specialists. We will be recruiting in the future so please bookmark this site and keep checking.
Cali waxaa uu ku dhashey magaalada Muqdiasho ee caasimadda u ah Soomaaliya. Cali iyo qoyskiisu waxay u soo guureen London, ka dib markii uu aabihiis ka heley shaqo ka helay dalkan Britain. Cali aabihii waa suxufi ama weriye ka dib markii ilaa muddo affar bilood ah uu shaqada hayey ayuu u direy fiisadii iyo tigidhadii dayuuradda, qoyskiisa si ay ugu soo biiraan oo ay ugu yimaadaan London.
Cali markaas da'diisu waxay ahayd lix sano jir. Waxay ahayd markii ugu horreysey ee uu dayuurad raaco. Cali, hooyadii iyo laba hablood oo ay walaalo yihiin ayaa ka soo degey garoonka dayuuradaha ee caalamiga ah ee Heathrow. Aabihiis ayaa ku soo dhaweeyey oo waxay raaceen tareenka dhulka hoostiisa mara.
Cali waxay ahayd markii ugu horreeysey ee uu arko ama raacoba tareen weliba dhulka hoostiisa ku ordaya, taas oo uu aad ula yaabey. Inkasta oo uu daallanaa, Cali waxa uu bilaabey inuu aabihiis weydiiyo su'aalo badan oo ku saabsan tareenka iyo waxyaabo kale oo badan oo uu la yaabay oo uu arkay ilaa iyo markii ay so degeen.Waxaa kale oo naxdin iyo argagax kale ku noqotey Cali iyo qoyskiisu markii ay dibedda uga soo baxeen saldhiggii tareenka ayuu arkay baraf iyo dhaxan aanu weligiis arag.
Laba toddobaad markii uu joogey London ayaa Cali iyo walaashiisii ka weyneyd waxaa la geeyey dugsi hoose oo aan ka fogeyn gurigooda.Waxay ku noqotey fajac iyo yaab kale in la geeyo meel walaashiis mooyaane aanu cid kale af garanaynin. Isaga iyo walaashiis waxaa loo qabtey macallimad gaar ah oo barta afka Ingiriisiga. Isbeddel kale oo weyn ayaa u bilaabey Cali, inkasta oo aabihii iyo hooyadiiba ay isaga iyo caruurtooda kaleba kula hadalaan af soomaali haddana Cali waxa uu is arkay isaga oo af soomaaligiisu soo yaraanayo maalinba maalinta ka dambeysa. Laba wiil oo kale ayaa ku soo kordhey reerkii, oo iyagu ku dhashey London. Calina waxa uu noqdey 15 jir .Waxa iminka Cali ay walaalo yihiin laba hablood iyo laba wiil. Dhamaan caruurtu waxay ku wada hadlaan af ingiriisi hase yeeshee hooyadood iyo aabahood waxay kula hadalaan af soomaali qaarkood ay durba dhib ku noqotey inay si fiican ugu hadlaan. Fasixii dugsiga ee sanadkii aynu soo dhaafney ayaa Cali iyo walaalihii waxaa la geeyey dalkii aabahood iyo hooyadood ay ku dhasheen.Waxaa kaxaysey hooyadood oo waxay tageen magaalada Hargeysa.Waxaa halkaas ku nool awowgood iyo qaar badan oo kale oo eheladooda ka mid ah oo aanay weligood arag.
Cali inkasta oo waxoogaa uu fahmayo haddana marka si deg deg ah loogu hadlo waxa ka luma garasgada ereyo badan. Cali iyo walaalihii waxa si fiican u soo dhaweeyey awowgood iyo adeeradood iyo abtiyaashood .Cali waxaa u muuqatey inaanu kalsooni badan la qabin af soomaaligiisa oo isaga iyo awowgiis ay dhiibato ka dhex dhici doonto waayo awowgiis ma yaqaan wax aan af soomaali ahayn.Wax kasata oo awowgiis weydiiyo oo uu garanwaayo cali waxa uu go'aansadey inuu han uun la yidhaa. Awowgiisu wuu gartaa oo wuu ku qoslaa, markaasu si kale haddana wax ugu sheega muddo bil ah markii ay joogeen Cali iyo awowgiis and ayey isu afgarteen. Laba bilood markii ay joogeen oo la soo mariyey meelo badan oo ka mid ah miyiga iyo tuulooyinka ay ku kala noolyihiin ehelada ee Cali iyo qoyskiisu waxay soo arkeen wax badan oo ay la yaabaan oo ka duwan noloshoodii Britain. Cali waxa uu go'aan ku gaadhey inuu aad ugu dadaalo inuu af soomaaliga sii barto si labada dhaqan ee noloshiisu u dhaxeysoba uu isugu dheelitiro.
QUESTIONS
1. Why did Ali leave Somalia?
2. List 3 things that surprised Ali on his arrival in London.
3. How did he learn English?
4. Where did he go on his holiday last year?
5. What made his grandfather laugh?

